عربي
BOGGA HORE
WARAR & DOODO
XARAKADA & DACWADA

GOOBO KALE

Bayaanka ku saabsan ka bixitaanka

Ciidanka Itoobiya ee Dalkeena Soomaaliya

14/01/2009

Ururka Islaax oo horayba u aaminsanaa in joogitaanka ciidamada Itoobiya wadanka gudihiisa ay sii adkaynaysay dhibaatooyinka wadanka ka jira, sababtayna dhimasho,dhaawac barakac iyo burbur dhan walba ah, iyadoo la ogsoon yahay in Ururku horay dhowr jeer ugu baaqay inay ciidamadaasi wadanka isaga baxaan, wuxuu soo jeedinayaa qodobadan:

•  Wuxuu soo dhowaynayaa bixitaanka ciidamada Itoobiya ay bilaabeen inay kabaxaan Muqdisho, wuxuuna ugu baaqayaa inay dhamaystiraan ka bixitaankooda wadanka oo dhan.

•  Wuxuu ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada is khilaafsan ee Soomaalida ah inay wax kasta oo khilaaf dhexdooda ka jira ku xalliyaan wada hadal kana fogaadaan in dhiig dambe oo Soomaaliyeed uu daato , mar haddii ay ciidamadii Itoobiyaanku bilaabeen in ay dalka ka baxaan.

•  Wuxuu ugu baaqayaa dhammaan shacbiga Soomaaliyeed inay muujiyaan deganaan xasilooni iyo iskuduubnaan, kana qayb qaataan, dadaallada dibuheshiineed iyo dibudejinta dadkii horay uga barakacay degaanadooda.

•  Ugu danbayn Ururka Islaax waxuu ugu baaqayaa bulshada caalamka guud ahaan, gaar ahaan wadamada Islaamka inay degdeg ula soo gaaraan gargaar bani'adamnimo dadka ku tabaaloobay dagaallada, si mug lehna uga qayb qaadataan dibudhiska dalka

Allahu Akbar WalillahiXamd

Dr. Calibaashi Cumar Xaaji

Gudoomiyaha Ururka Islaax


MAQAL & MUUQAAL
Islaax © 2006-2010