عربي
BOGGA HORE
WARAR & DOODO
XARAKADA & DACWADA

GOOBO KALE

Bayaan ku saabsan dibuheshiisiinta dawladdu ku baaqday

1/2/2007

Xarakada Islaax oo ka dhigatay dibuheshisiinta Soomaaliyeed qodobada ugu muhiimsan hawlaheeda, mar kastana ku hawlan wadahadalsiinta iyo dibuheshiisiinta shacbiga, waxay soo dhaweyneysaa baaqa madaxda dawladda Soomaaliyeed ee ku aaddan dibuheshiisiinta, waxayna ku baaqeysaa qodobada soo socda:

1. Islaax waxey taageeraysaa dibuheshiisiinta madaxda dawladu ugu baaqeen shacbiga Soomaaliyeed, waxayna Ilaah ka baryaysaa in dhaqangelinta baaqaas uu u horseedo ummadda Soomaaliyeed nabad, deganaasho iyo horumar waara.
2. Islaax waxay ku baraarujinaysaa shacabka Soomaaliyeed cawaaqib-xumidda ka dhalan karta dagaallada, isdilka, aargudashada iyo hurinta colaado cusub, waxayna ku baaqeysaa iscafis iyo isa saamaxid.
3. Islaax waxay soo dhawaynaysaa ka bixitaanka bilowga ah ee ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya, waxayna ugu baaqaysaa dawladda Federaalka K.M.G ah ee soomaliya iney sida ugu dhaqsida badan u hanato hawlaha adkaynta amniga qaranka.
4. Islaax waxay saluugsantahay kaalinta dowladaha carabtu ka qaadanayaan xalinta arimaha Soomaaliya, waxayna ugu baaqeysaa inay la garab istaagaan walaalahooda Soomaaliyeed hiil iyo hooba, si firfircoon uga qaybqaataan soo celinta amniga iyo dibudhiska Soomaaliya.

Allaahu Akbar WalillaahilXamd

Sh.C/laahi Cali Xayle
Afhayeen u hadlay Islaax


MAQAL & MUUQAAL
Islaax © 2006-2008