عربي
BOGGA HORE
WARAR & DOODO
XARAKADA & DACWADA

GOOBO KALE

Barbaarinta Carruurta

Q. 4aad

Qoraaladeeni hore waxaan uga soo hadalnay goobaha ugu muhiimsan ee Carruurta lagu barbaariyo inta ay ka gaarayaan barbaarinta dugsiyada waxbarashada nidaamiga ah. Qormadaan waxaan uga hadlidoonaa gooba kale ee muhiim u ah barbaarinta Carruurta sida:

Goobta Xannaanada

Goobta xannaanada Carruurta waa goobta ka horeysa goobta dugsiga nidaamiga ah, ee loo qaato carruurta aan gaarin da'da dugsiga nidaamiga ah, waxaana halkaas wax lagu baraa muddo saddex sano ah sida badan, waxaana goobtaas lagu baraa carruurta duruus iyo barnaamijyo isugu jira wacyi gelin, maaweelin, waxbarid, cayaarsiin, iyo nashaadaad kale ee lagu ogaanayo hiwaayadda iyo halabuurnimada carruurta. Erayga xannaano wuxaa laga qaatay afka carabiga waxaana loola jeedaa in ay hooyadu barbaarin dheeraad ah siiso carruuta maadaama ay tahay qofka ugu horreeya ee xaqa u leh in uu carruurta yaryar xannaaneeyo laguna daryeelo. Haddaba marki ay hooyada ku adkaatay in ay isku qabato howsha xannaanada iyo daryeelka guud ee qoyska oo ay horumariso waxbarashada carruurta iyo maaweeladooda ayey lagama maarmaan noqotay in carruurta lageeyo goobaha Xannaanada oo ah halka laga xusho ardayda loo qaadanayo fasalka kowaad ee dugsiga hoose.

  Goobta Dugsiga ( School )

Dugsigu waa goobta barbaarineed ee ugu horaysa carruurtana u bilowda uguna bishaareysa in ay gaarayaan mustaqbal iftiimaya si ay u higsadaan yoolka himilada ay rajaynayaan adduun iyo aakhiraba. Sidaa darted waxaa habboon In dugsigu dadaal u galo sidi uu u soo saari lahaay jiil ( carruur ) xanbaarsan Quraan, iimaan iyo asluub wanaagsan, isuna arkaya in ay yihiin cududii berrito, ciidamadii cadaaladda oo uusan maquunin Karin cadow kasta si ay u gutaan risaalada rabbi sida ugu wanaagsan, dadkooduna u gurto miro macaan oo geedkooda lagu waraabin jiray barbaarin, toosin tacliimin, taakulayn iwm, nabigeenna nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahatee wuxuu yiri xadiiska macnahiisa aan ka soo qaadan karno " waalid masiiyo waladka (ilmaha) wax siin ka wanaagsan aadaab wanaagsan ". Ummaddi aan ugu deeqin carruurteeda tarbiyo toosan, qodxaha qallooca iyo qaabdaradana aan jidka uga qaadin waa ummad ku jirta hurdo dheer oo ay marka ugu danbaysana ku halaagsami doonaan kadib marka ay goostaan miraha qaraar oo ay geedkooda ku waraabin jireen barbaarin xumo, waxbarid la'aan iwm, soomaalidi hore waxay dhihi jirtay: "tiin nin tallaashayi ma guro timirya saytuune ", waxana lagama maarmaan ah in aan u guntanno tarbiyaynta iyo toosinta carruurtayna annagoo ka anbaqaadayna xadiiska nabigeenna (NNK) oo ahaa " carruurtiina karaameeya oo wanaajiya aadaabtooda" soomaalidu waxay tiri: " ilmo edeb daran ama ulu ku tiil ama ilu ku tiil".

Dhammaan waalidiinta, barbaariyayaasha iyo mas'uuliyiintaba waxaaa laga doonayaa in ay ka taxadaraan kana digtoonaadaan dabaysha duufaanta fasaadka oo dunida aan manta ku noolnahay dhan kastaba u duulaysa si ay cagta u mariso carruurtaan curdunka ah. Soomaalidu waxay tiri: dhallaan nin qabow dhowrso".

Haddaba iyadoo maskaxda lagu hayo muhimadda ay goobahaasi u leeyihiin carruurta ayaa loo baahan yahay in loo dejiyo manhaj iyo barnaamijyo kala duwan ee ku habboon barbaarinta carruurta goobahaas looga faa'iidaynayo.

W. Q: Ustaad/ Aadan Cali Casayr


MAQAL & MUUQAAL
Islaax © 2006-2012