عربي
BOGGA HORE
WARAR & DOODO
XARAKADA & DACWADA

GOOBO KALE

Barbaarinta Carruta

Q3 aad

22/11/2010

Qoraaladeeni hore waxaan uga soo hadalnay xuquuqda barbaarineed ee ay carruurtu xaqqa u leeyihiin iyo cidda ay mas'uuliyadda barbaarintu dusha ka saran tahay.

Qormadaan waxaan uga hadli doonaa goobaha ugu muhiimsan ee Carruurta lagu barbaariyo inta ay ka gaarayaan barbaarinta dugsiyada waxbarashada nidaamiga ah waxaana ka mid ah:

Qoyska:

Qoysku waa goobta ugu muhiimsan ee ay carruurtu ka helaan barbaarinta bilowgeeda maxaa yeelay hooyada iyo aabuhu waa labada tiir oo uu qoysku ku qotomo una taagan har iyo habiinba xannaanaynta, korinta, maaweelinta carruurta iwm. Qoysku wuxuu saamaynta ugu wayn ku leeyahay toosinta ama qalloocinta barbaarinta carruurta. Carruurta ku soo barbaarta aqalka qoys ku dhisan dhaqanka islaamka oo ah sida laga doonayo in uu ku dhisnaado guriga qoys kasta oo muslim ah, waxaa u fudud in ay si dhib yar uga dhergaan dhaqanka wanaasan ee labadooda waalid, sababtoo ah waa qoys ku dhisan qodobada asaaska u ah jiritaanka qoyska oo ah is jacayl iyo isu naxariisasho sida aan ka dheehan karno aayadda 21aad ee suuradda Al-Ruum. Carruurta qoyskaasi waxay ku korayaan kuna barbaarayaan deegaan ugu deeqayo isku kalsoonaan, deganaasho iyo jaclaanta waalidkood, walaalahood iyo dadka ay meel ku wada noolyihiin, waxayna ka nabad gelayaan walwal, walaac, walbahaar iyo waxyeelada cuqdada oo carruurta u keenta cudurada nafsaaniga ah ee dhaawaca wayn gaarsiiya shakhsiyadda carruurta.

Dugsi Quraanka:

Dugsi Quraanku: waa goob muhiim u ah barbaarint carruurta waa meesha ugu horeysa oo uu ku baranayo is-dhaxgalka bulshada, fadhi barashada, aqoonta oo lagu tartamo, nidaam ilaalinta, u hogaansanaanta amarada maamul aan hooyo iyo aabbe ahayn iyo in duco joogta ah loo sameeyo waalidka iyo macallinkaba iyagoo dugsi Quraanka si wadajir ah u qaadayo nashiidada (Shaafiinta) loo yaqaan waxaana ka mid ah: " waalidkeen Allow kaal, waalidkiis Allow kaal, in kaashaba Allow kaal. Macallinkeen Allow kaal, macallinkiis Allow kaal, in kaashaba Allow kaal… ".

Masaajidka:

Masaajidku waa goob ahmiyad wayn u leh barbaarinta carruurta maxaa yeelay waxay masaajidka kula kulmayaan dad waawayn oo islaam ah oo Alle dartiis isugu yimid taasoo qalbigooda ku beeraysa:

• In ay dareemaan jiritaanka mujtamac muslim ah.

•  In ay ku faanaan jamaacada islaamka ah ee ay dhaxgaleen.

•  In ay dhegeystaan khudbadaha iyo duruusta diiniga ah.

•  In ay fahmaan goolka nolosha dadka iyo waxa Alle u diyaariyay adduun iyo aakhiraba.

• In ay bartaan culuumta islaamka sida xadiiska, fiqhiga iyo waxyaabo la xiriira nidaamyada nolosha dadka.

•  In ay bartaan luqadaha (afafka), taariikhda islaamka iwm.

•  In ay bartaan in dhammaan wixii Alle faray ay fartoomaan , wixii uu ka reebayna ay ka reebtoomaan .

W. Q. Ustaad /Aadan Cali Casayr

La soco qaybta kale


MAQAL & MUUQAAL
Islaax © 2006-2012