عربي
BOGGA HORE
WARAR & DOODO
XARAKADA & DACWADA

GOOBO KALE

Barbaarinta Carruurta

Q. 2aad

11/11/10

Islaamku wuxuu aad iyo aad u ilaalinayaa xuquuqda carruurtu ay ku leeyihiin hooyo, aabbe, ababiye (murabbi) iyo ummadoodaba, waxaan daah fur arrintaas uga dhiganaynaa xaddiska Nabigeenna nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee oo ahaa " carruurta karaameeya, aadaabtoodana wanaajiya waa haddiyad Alle idin siiyaye ".

Qormadaan waxaan uga hadli doonnaa sida uu islaamku u ilaaliyay xuquuqda carruurta waxaana ka mid ah qodobada aan tusaale ahaan u soo qaadan karno kuwa soo socda:

• Islaamku wuxuu guubaabinayaa in la guursado haweeney dhashoy ah ( dhal badan ), si uu u kordho taranka Dadku.

• In carruurta hooyo wanaagsan loo dooro , oo laga fogaado haweenka aan dhowrsanayn.

• In aan carruurta hooyadood laga dooran qaraabada dhow , ee laga doonto dadka aan qaraabo ahaan isu dhawayn sida sunnada Nabigu noo cadaynayso waxaana la filayaa in ay arrintaasi carruurta u keento adadkaan, caqli iyo fikir fiican.

•  In xaflad Alle lagu mahadinayo loo sameeyo dhalashada carruurta,taasoo ah waqlasha(Caqiiqa).

•  In Carruurta magac wanaagsan loo bixiyo.

•  In Carruurta la gudo.

• In carruurta la cayaarsiiyo , sida uu Nabageenuba u cayaarsiin jiray wiilashiisii Xasan iyo Xuseen oo uu awowga u ahaay dushiisana ay fuuli jireen asigoo salaad ku jira.

•  In carruurta la salaamo lana gacan qaado sida uu suubanuhuba yeeli jiray marka uu carruurta la kulmo.

•  In la ilaaliyo Carruurta iyo haweenkaba waqtiyada dagaalka oo aan la dilin dadka ay soomaalidu u taqaan " birmagaydada ".

• In carruurta la siiyo xuquuqdooda waxbarasho , iyo barbaarineed gabar iyo wiilna loo simo.

•  Addoonta wuxuu islaamku ku xureynayaa oo kaliya in ay carruur u dhasho milkilaheeda waana darajo Alle carruurta ugu deeqay.

•  Sayid Cumar Bin Al-khadaab Alle raalli haka noqdee wuxuu xilki ka xayuubiyay ( Casilay ) mid ka mid ah Maamulayaashiisii Gobollada (Waali) kaasoo ugu sheekeeyay in aanuu dhunkan soona dhaweysan mid ka mid ah toban carruura oo uu dhalay, wuxuuna Sayid Cumar Waaligii ku yiri: " haddii aadan u naxariisan Carruurtaada sideebaad ugu naxariisanaysaa dadka aad maamusho".

Haddaba iyadoo laga anbaqaadayo qodobada aan kor ku soo xusnay oo islaamku ku dhowrayo xuquuqda carruurta waxaa lagama maarmaan ah in carruurta lagu barbaariyo in ay maraan waddada wanaagsan si ay u gaaraan horumar dhan walba ah si ay wax u taraan naftooda, waalidkood iyo waddankoodaba.

W. Q/ Ustaad Aadan Cali Casayr

La soco qaybta kale


MAQAL & MUUQAAL
Islaax © 2006-2012