عربي
BOGGA HORE
WARAR & DOODO
XARAKADA & DACWADA

GOOBO KALE

Barbaarinta Carruurta

Q1 aad

23/10/10

Hordhac :

Malaayiin carruur ah ayaa manta dunidaan kula nool murugo xanuun badan, maadaama ayna heli Karin cunto nafaqo leh, daryeel caafimaad, waxbarasho taya leh, maaweelo raaxa leh iwm.

Carruurtu waa saldhigga aasaaska u ah dadka dunidaan ku nool, oo waxaa la dhahaa: carruurtu waa gunta dadka jooga ka bilowday waana gunaanadka muuqaalka mustaqbalka daka. Haddaba dulmiga carruurta lagu hayo wuxuu saamayn culus ku yeelan doonaa dadyowga dunidaan, maxaa yeelay waxaa layiraahdaa: " badan barkiis buko barkiis kale ma fayaabo ". waxuu yiri afmaal carbeed carruurtu: " waa beerkeenna gobalkiis oo dhulka korkiisa abaabayo ". Sida uu qof waliba ogyahay Carruurtu waa jirtay inti uu qoys jiray oo carruurta waxaa laga abuuray arooska aabbe iyo hooyo sida laga dheehan karo aayadda 2aad ee suuradda Al-Insaan, Alle Subxaana wa tacaalaa wuxuu yiri: " dadka waxaan ka abuurnay mani la isku daray ".

Carruurta iyo Islaamka:

Doorashada Hooyayada: Islaamku si aad iyo aad ah ayuu carruurta u siiyay muhimad gaar ah, mana aha oo kaliya marka ay dhashaan ee wuxuu farayaa in aad looga fikiro carruurta inta aan hooyadood laguursan oo ayna calool gelin wuxuuna faray in carruurta loo dooro hooyo dhowrsan lana guursado haweenay diin leh oo kaalin mug leh ka qaadata barbaarinta iyo toosinta carruurta, wuxuuna Nabigeenna Muxamed nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee tilmaamay in ayna nagu filnayn in aan haweenayda ku doorano qurux, maal iyo dadka ay ka soo jeeddo haddii ayna diin lahayn wuxuuna yiri " ku guuleeyso midda diinta leh " , maxaa yeelay haweenayda diinta leh waxay qayb wayn ka qaadanaysaa barbaarinta iyo waxbaridda carruurta, soomaalidu waxay dhahdaa: " naag cibaado iyo camal samo ka day ".

Doorashada Aabaha :Islaamku wuxuu dadka ku adkaynayaa in ay gabdhahooda ku daraan rag diin iyo dabeecad leh oo ilaalinaya xuquuqda xaaska iyo carruurtaba.

Nabigeenna NNK wuxuu yiri: " haddii uu idiin yimaado nin aad diintiisa iyo dabeecaddiisa u bogtaan u guuriya gabdhihiinna, haddii aad diidiinna adinkaa arlada fasahaadiyay ".

Qiimaha Carruurta:Quraanka kariimka ah wuxuu meelo badan ku tilmaamayaa qiimaha carruurta sida:

•  Wuxuu bandhigayaa Alle oo ku dhaaranayo waalidka iyo wuxuu dhalo.

•  Wuxuu canbaaraynayaa kuwa wajiga madow ku qaabilo gabarta loo dhalo.

•  Wuxuu adkaynayaa xuquuqda carruurta ee naas nuujinta.

•  Wuxuu xarrimayaa in carruurta la dilo iyadoo faqri iyo ceeb laga cararayo.

W. Q:- Ustaad/ Aadan Cali Casayr


MAQAL & MUUQAAL
Islaax © 2006-2012