BAAQ
24/2/2009
Ururka Islaax isagoo ka duulaya guushii ka soo hoyatay shirkii dibuheshiisiinta ee Soomaalida uga socoday dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti, wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ee cusub Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Baarlamaanka midnimada qaran ee dhowaan la dhisay iyo Ra`isulwasaaraha cusub mudane Cumar C/rashiid iyo golihiisa xukuumadda.
Ururku isagoo isha ku haya dhibaatooyinka xoogga leh ee haysta ummadda Soomaaliyeed iyo deganaansha la`aanta siyaasadeed, wuxuu soo saarayaa baaqan:-
Ururku wuxuu dawladda ku-meel-gaarka ah xusuusinayaa in ummadda ay ka sugayso arrimaha soo socda;-
Hirgelinta Shareecada Islaamka qaybaha kala duwan ee nolosha bulshada, xag maamul, xag garsoor, xag siyaasadeed, xag dhaqaale iyo xag bulsho.
Hogaan wanaag.
Ururku wuxuu welwel ka muujinayaa tirada baarlamaanka ee xad dhaafka ah iyo weliba tirada golaha xukuumadda ee iyaduna badan. Waxaa lagama maarmaan ah in lagu kabo, lana kaashado wada shaqayn adag, hufnaan (Transparency), maamul wanaag, cadaalad iyo amaano.
Ururku wuxuu ku boorinayaa Dawladda Federaalka ah in mudada kumeel gaarka ah ee gaaban, si habsi leh u fuliso waajibaadka dastuuriga ah ee ay ummaddu ka sugayso oo ay kamid yihiin:-
Soo celinta amniga iyo kala dambaynta.
Dhamaystirka dibuheshiisiinta qaran.
Dejinta iyo illaalinta miisaaniyadda qaran.
Dejinta dastuur qaran oo ku salaysan Shareecada Islaamka.
Dhisidda maamulada goboladda iyo degmooyinka.
Hirgelinta tirakoobka dadweynaha.
Diyaarrinta xeerarka axsaabta iyo doorashooyinka.
Hirgelinta doorashooyin qaran, dhammaadka xilliga ku-meel-gaarka ah, kuna salaysan mabda`a "HAL QOFBA HAL COD".
Ururku wuxuu ugu baaqayaa ummadda Soomaaliyeed inay taageerto dawladda cusub, siisana fursad ay wax ku qaban karto, una muujiso samir iyo dulqaad, iyadoo isla markaana gudanaysa xaqeeda qiimaynta, sixidda, toosinta iyo dhaliil wax dhisid ah.
Ururku wuxuu mahad ballaaran u soo jeedinayaa intii ka qayb qaadatay guusha dibuheshiisiinta qaran iyo dhisidda dawladda cusub, oo ay ugu horayso dawladda Jabuuti, Madaxweyne, xukuumad iyo shacabba. Sidoo kale, wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay iyo dhammaan bulshada caalamka ee shirka taageertay.
Ugu dambayntii, ururku wuxuu Allaah (SWT) uga baryayaa ummadda Soomaaliyeed tawfiiq, nabad, barwaaqo iyo dawlad caadil ah.
Allahu Akbar Walillahil Xamdu
Mudane C/raxmaan Macallim C/laahi
Afhayeenka Ururka