BAAQ XABAD JOOJIN DEG-DEG AH
10/5/2009
Soomaaliya waxaa dagaal sokeeye ka socday in kabadan Sagaal iyo Toban sano, wayna suuro geli wayday in xoog laysku maquuniyo oo qolo ay guulaysato kuwa kalena ay hogaansamaan, dagaalka waxa kaliya ee laga dhaxlay waa burbur iyo barako kac baahsan.
Shacabka Soomaaliyeed wuxuu horay uga daalay dagaal sokeeye, ciidamadii Itoobiyaankuna waxay u gaysteen dhibaato baaxad leh. Sidaasi daraadeed, waxaa nasiib darro ah in mar kale korkooda lagu hardamo.
Hadabba, Ururka Islaax wuxuu ku baaqayaa:-
In si degdeg ah xabadda Muqdisho iyo Magaalooyinka kaleba ka socota loo joojiyo, lana kala qaado ciidamadda is hor fadhiya si shuruud la`aan ah.
In khilaafaadka iyo arrimaha laysku haysto lagu xalliyo wada hadal si waafaqsan shareecada Islaamka.
Wuxuu ugu baaqayaa umadda Soomaaliyeed inay kawada shaqeeyaan siddii dalkooda loogu soo dabaali lahaa nabad waarta, gaar ahaan Muqdisho.
Wuxuu ugu baaqayaa shacbiga Soomaliyeed iyo hay`adaha samafalka inay kawada shaqeeyaan kaalmaynta dadka tabaalaysan iyo siddii kuwa barakacay guryahooda loogu soo celin lahaa.
Allaahuakbar WalillahilXamd
Dr Calibashi Cumar Rooraaye
Gudoomiyaha Ururka Islaax