عربي
BOGGA HORE
WARAR & DOODO
XARAKADA & DACWADA

GOOBO KALE

Baaqa Xarakada Islaax

Ee Hirgelinta Shareecada Islaamka

10/3/2009

Xaraka Islaax oo ka shaqayneysay muddo ka badan 30 sano kor u qaadista ku dhaqanka Islaamka kana ambaqaadaysay fahamka Islaamka ee dhexdhexaadka ah. Iyada oo sidoo kale himiladeedu tahay in la helo bulsho Soomaaliyeed oo dawlad hufan leh, horumarsan, fahamsan kuna dhaqanta mabaadi'da Islaamka sida shuurada, cadaaladda, sinnaanta iyo karaameynta insaanka iyo dhowrista xuquuqdiisa;

Xarakada oo dareensan in baraarugga Islaamku soo gaaray meel sare taas oo keentay kobaca fahamka Islaamka iyo rabitaanka shacbiga Somaaliyeed oo ku taamaya in la dhameystiro ku dhaqanka shareecada Islaamka. Waxaa intaas la jirta baahida loo qabo shareecada si loo joojiyo dhiigga daadanaya, hantida la boobayo, loona horjoogsan lahaa dhaqamada khilaafsan Islaamka.

Xarakadu waxey aragtaa iney jirto fursad cusub oo taloobooyin dhab ah loo qaadi karo si loo xoojiyo qiyamka Islaamka, taas oo ka dhalatay soo dhisidda xukumadda midnimadda qaran; xaalladda abuuran ee dib-u-heshiisiinta iyo bixitaanka ciidamada Itoobiya ee dalka Somaaliya.

Sidaas darteed, Xarakadu waxey ugu baaqeysaa:

•  Xukumadda Midnimada Qaran iney bilaawdo qaab cilmiyeeysan oo ay ka baaraan degaan culimada Soomaaliyeed; si loo hirgeliyo ku dhaqanka Shareecada Islaamka oo dhamaystiran sida ugu haboon uguna degdegta badan.

•  Shacbiga Somaaliyeed inuu ku taageero Xukuumada hawshaas si loo soo celiyo nabadgelyada iyo kala dambeynta, taas oo ah bilawgii dhaqangelinta Shareecadda Islaamka.

•  Culimada Somaaliyeed iney mideeyaan aragtidooda ku aadan dhaqangelinta Islaamka si looga fogaado khilaafaad carqaladeeya hirgelinta Shareecada Islaamka.

•  Caalamka inuusan carqaladeyn rabitaanka shacbiga Somaaliyeed ee ku saleysan diintooda, laguna kaalmeeyo sidii uu u soo ceshan lahaa dawadnimadiisa, nabadiisa iyo karaamadiisa.

Allaahu Akbar WalillaahilXamd

Md. C/raxmaan Macallim C/lahi (Baadiyow)

Afhayeenka Xarakada Islaax


MAQAL & MUUQAAL
Islaax © 2006-2010