waqtiya gaara ah ma leedahay dacwadu
1/12/2008
Marka u horaysa waxa culimada muslimiintu dhamaan is ku raacsanyihiin waqtigan la joogo in ay dacwadu tahay waajib cayniya, oo ruuxwalba laga doonayo in uu u istaago sidii dacwada islaamka uu uga shaqayn lahaa, waqtigiisana qayb weyn uu uga siin lahaa.
Hadaba waqtiga aad ka shaqaynayso dacwada islaamka muxuu noqonkaraa yayse tahay in uu ka shaqeeyaa?
Ugu horayn waa inaan ogaanaa in aysan ahayn ka shaqaynta dacwada islaamku shaqo tarfiihi ah oo aad siin karayso waqtiga firaaqada oo kaliya ama waqtiyada mushkilad iyo culays la`aanta, ee waa in dacwadu ahaataa nolosha daaciga mid ka mid ah, uuna ka shaqeeyaa waqtiga firaaqada iyo kan mashquulka ah kan amniga iyo kan amni la`aanta intaba.
Waxaa dhici karta in aad aragto qaar dhahaya anigu khibrad aan dacwa uga shaqeeyo malihi, maxaayeelay magaranayo faniga khidaabada, ma ma hagaajinkaro wacdiga iyo hanuuninta dad weynaha, ama macluumaadkayga ku saabsan caqiidada iyo fiqhiga ayaa yar.
waxaas oo dhan waxaa laga yaabaa in ay xuja ka dhigtaan dadka qaar waana wax aan xuja noqon Karin, waayoo dacwadu maaha cilmi in la baraan ruuxa loo yeeraayo ookaliya ee waa in la dareen siiyaa waajibka saran umada muslimka ah ee ku aadan iimaankooda iyo baraarujinta iimaankooda gam`ay.
Iyo in lagu dhaliyo in loo shaqeeyo dacwada islaamku in ay tahay waajib, kadibna aad u gudbisaa cid kaa khibrad badan hadii aad ka mid tahay dadka ka sheeganaya khibrad yari ama cilmiyari, si ay u deeqsiiyaan waxa aad islahayd ma deeqsiin karaysid.
Dhanka kale waxaa kuu suura gal ah in adigoo aan u baahan khibrad iyo cilmiba aad daaci noqotaa, waana in aad ku wacdisaa dadka mawaaqif iyo dhaqan, waayo hadii ruuxii ku arkaana kaa akhrisanayo muuqaal islaamiya kaad la hadashaana run iyo hadal suuban, kaad wax wada qabataana ikhlaas iyo dadaal kugu bartaa, waa dacwa aan cilimi iyo khibrad u baahnayn.
Ogow arinkaasi waa xal sixri ah oo xal u ah cudur daaradaas aan horay u soo sheegnay dhamaantood, waxaana haboon in xalkaa isga ah laga faaiidaystaa si ajar fara badan loo gaaraa.
Wabilaahi towfiiq