عربي
BOGGA HORE
Tarbiyada Caruurta
XARAKADA & DACWADA

GOOBO KALE

Tarbiyada caruurta

8/11/2008

Tarbiyada caruurtu waa arin aad muhim u ah maxaayeelay bulsha hagaagsani waxay ka timid caruur tarbiyadeedii hagaagtay, hadaba waxaan uga hadli doonaa hadii Allaha awooda weyn lihi ogolaado mawaadiic ku saabsan tarbiyada caruurta si akhristayaasha boga tarbiyada caruurta ee Mowqica ISLAAX ay uga faaiidaystaan.

Uguhorayntii inta aanan u galin tarbiyada caruurta waxaan aan ku bilaabaynaa isku xidhnaashaha guurka iyo tarbiyada caruurta la dhalayo Guurka kadib.

Guurka marki uu ka hadlayay Dr.C.la naasix calwaan kitaabkiisa tarbiyatul awlaad Fil Islaam waxaa uu leeyahay aan ku fiirino guurku in uu yahay:

•  Baahi insaanku qabo oo ay tahay in uu ka bogsoodaa

•  Dan Bulsho oo aytahay in ay fulisaa

•  Xulasho iyo doorasho wanaagsan oo ay tahay in aan xolasho la`aan laysaga dhaqaaqin guurka.

Sedaxdaana si tafaasiil ah ayaan uga hadli doonaa Hadii Allaah noo ogolaado, waxaana halkaa inooga soo bixi doona sida xooga leh ee tarbiyadu ugu xidhan tahay guurka, waayoo in la dhalo ilma kugu abtirsada lagana fakaro hagaajintooda iyo tarbiyadoodu waa mas uuliya aad u adag ayna tahay in aad looga fakaraa.

Hadaba qormada soo socota waxaan uga hadli doonaa haduu Alla idmo in guurku yahay insaanku wax uu u baahanyahay.

Lasoco qaybta 1aad


MAQAL & MUUQAAL
Islaax © 2006-2010