عربي
BOGGA HORE
WARAR & DOODO
XARAKADA & DACWADA

GOOBO KALE

 

بسم الله الرحمن الرحيم

Xalka dhibaatada Soomaaliya

&

Aragtida Xarakada Islaax

Maarso 2008

Khulaaso

Dibaatada hadda Soomaaliya ka jirta waxay qaraxday dhamaadkii siddeetamaadkii ee qarnigii hore, waxayna heerkii ugu xumaa gaartay kolkii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya ayna burbureen hay`adihii qaranku bishii Janaayo 1991. Dalku wuxuu galay dagaal sokeeye oo baahsan, oo wax walba burburiyey. waxaa meesha ka baxay sharcigii dadka kala hagayay, waxaana abuurmay fowdo iyo jahawareer baahsan. shacabwaynihii wuxuu u qaybsamay qabiillo iyo kooxo xurguf colaadeed dhextaalo. Waxaa umaddii Soomaaliyeed ku habsaday fitno balaaran oo ah dagaal sokeeye iyo dhiig walaal oo isku qubanaya.

Fitnada noocan oo kale ahm ee dhiigu qubanayo waa fitantii uu Suubanihii –Nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee inooga digay,markuu yiri:

ستكون فتن، القاعد فيها خير من القائم، والقائم فيها خير من الماشي، والماشي فيها خير من الساعي، من تشرف لها تستشرفه ومن وجد فيها ملجأ أو معاذا فليعذ به". رواه أحمد والبيهقي عن أبي هريرة رضي الله عنه.رواه احمد والبيهقي

“ Waxaa dhici doona Fitnooyin, qofka ka fadhiyaawuxuu ka fiican yahay kan dhex taagan, qofka dhextaaganina wuxuu dhaamaa kan dhex socda, kan dhex socdaana wuxuu dhaamaa kan dhex ordaya. Qofkii fitnadaasiqooraansadaiyaduna way qooraansanaysaa. Qofkii hela meel uu uga gabbado ama meel uu ka magangalo ha magangalo”.

Ururka Islaax wuxuu ku qanacsanaa –illaa bilowgii dhibaatadan- in habka kaliya ee lagu xallin karo khilaafaadkaa Soomaalida dhexdeeda ah uu yahay wada hadal iyo maslaxo dhexdooda la dhigo,dabka hurayana la damiyo, Soomaaliduna ay aayaheeda iyadu ka tashato, soona ceshato jiritaankeedii dawladnimo iyo hay`adihii qaranka. Dibuhawlgelinta hay`adaha qarankaasna waxay Xarakadu u aragtaa inuu yahay waajib Diini iyomid wadaniba ah, waana talaabada koowaad ee saxda ah eeay tahay in loo qaado gaarista xal waara ee dhibaatada Soomaaliya.

Ururka Islaax wuxuu go`aansaday bilowgii dhibaatadaba inuu ka digtoonaado inuu ku lugyeesho dagaalkan sokeeyeee fitnada ah, isla markaana ka shaqeeyo inuu dadka dagaalamayana maslaxo iyo heshiis dhex dhigo, uuna isku dayo inuu buuxiyo booskii ay dawladdu baneeysay sida soo celinta adeegyadii bulshada intii karaankiisa ah.

"فاتقوا الله ما استطعتم"

Sidoo kale wuxuu ururku si aad ah uga soo horjeestay in Mashruuca Islaamiga ah ee Soomaaliya la dhexgeliyo hardanka iyo dagaalka ahliga ah ee dalka ka jira.

Iyadoo hadaba laga duulayo mowqifkaasi hore Xarakadu waxay qaadatay siyaasaadkan hoos ku qoran:-

•  Inay ka illaaliso Xubnaheeda inay ku lugyeeshaan fitnadaas kacday, aysanna ku dhicin dabinada meel walba daadsan ee u jiidaya daadinta dhiig Soomaaliyeed iyo dagaal sokeeye, oo burbur maahane faa`iido laga helayn.

•  In loo hawlgalo joojinta dhiigga qubanaya, lagana shaqeeyo heshiisiinta qabaa`ilka colaaddu dhextaall (dibuheshiin bulsheed). Sidoo kalena la sameeyo dibuheshiisiin siyaasadeed oo heer qaran ah, lana soo celiyo wadanoolaanshihii iyo walaaltinimadii umadan u dhaxaysay.

•  In loo hawlgalo sidii gargaar iyo taakulayn loo gaarsiin lahaa shacabka Soomaaliyeed ee tabaalaysan, sida gargaarka degdega ah, waxbarashada, caafimaadka iyo wixii lahalmaala.

•  In dhanka siyaasadda la qaato dariiqa isbedelka bulshada ee nabadda iyo isqancinta ku dhisan, lagana fogaado gacankahadalga iyo adeegsiga xoogga Soomaalida dhexdeeda. waxay xarakadu ku qanacsantahay in gaarista ujeeddooyin siyaasadeed ay tahay in loo maro wadada nabadda iyo isqancinta ku dhisan;kaas ayaana ah dariiqa kali ah ee lagu gaari karo isbedel fiican iyo horumar waara. Hadaba iyadoo qanaacadaasi laga duulayo ayuu ururku doorbiday nabadwaxkuraadinta goor ay awoodihii kale ee wadanka ka jiray qaateen adeegsiga xoogga, taas oo dhibaato iyo burbur hor leh wadanka u soo jiiday.

Ururku wuxuu ka hawlgalay meelmarinta dibuheshiisiinta isagoo kaashanaya waxgaradka, culumaa`udiinka, aqoonyahanka, ururada bulshada rayidka ah iyo guud ahaanba samataliska Soomaaliyeed.

Islaax waxay ka qaybgashay dibuheshiisiin bulshadeed iyo mid siyaasadeedba, dadaalada dibuheshiisiinta siyaasadda waxaa ugu caansan shirkii Jabuuti ee dibuheshiisiinta Soomaaliyeed, ee ku caan baxay shirka Carta. Waxaana halkaasi ka dhashay dawlad Soomaaliyeed oo kumeelgaar ah, inkastoo aysan hanaqaadin.

Shirkii dibuheshiisiinta ee lagu qabtay Kenya 2002-2004, waxaa ka dhashay isna dawlad kmg ah, waxaa kaloo jira qaybo Soomaali ah oo diidan jiritaanka xukuumadaas asbaabo kala duwan awgood, sida miciinbidida Itoobiya.

Dawladda fkmg ah waxaa ka muuqda dhaliilo iyo farsamoxumo badan, sida: la`aanta karti iyo hufnaan dhanka maamulka ah, waxqabad la`aan baahsan, adeegsiga xoogga ee burburka sii kordhiyay, siiba Muqdisho, iwm. Dhanka kooxaha ka soo horjeeda waxaa ka muuqda kala aragti duwanaan xagga fikirka iyo barnaamijka.

Inkastoo taasi ay jirto, hadana Islaax waxay rumaysantahay inay weli jirto fursad uu ku guulaysan karo barnaamijka taabbagelinta dawladnimadda Soomaaliyeed, dibuheshiisiin iyo nabadna lagu heli karo si looga baxo dhibaatadan gaamurtay. Tani waxay u baahan tahay doonis dhab ah iyo hawlgal siyaasadeed oo ka yimaada dhinacyada Soomaaliyeed.

Waxaa xukuumadda kumeelgaarka ah looga baahan yahay inay dardar geliso la xiriirka kooxaha ka soo horjeeda nooc kasta oo ay noqdaanba; kooxaha mucaaradkana waxaa looga fadhiyaa inay qorshahooda siyaasadeed ku dhisan wadahadal, ayna dhinac iska dhigaan gacankahadalga iyo dagaalada ku wajahan dhinac kasta oo Soomaaliyeed si looga baxo xaaladda murugsan ee lagu jiro.

Dhamaanba qaybaha Soomaaliyeed waa inay ka wada shaqeeyaan hirgelinta dibuheshiisiin waarta iyo taabbagelinta dawladnimada Soomaaliyeed, iyadoo cidna aan la takoorayn, meeshana laga saaro isu adeegsiga xoogga iyo gacankahadalka.

Dhibaatada Soomaaliya muddo ayay soo jirtay, sidaas darteed, hal mar laguma wada gaari karo xal waara. Gaarista dibuheshiisiin buuxda iyo xal waaraa waa geedisocod ama process leh marxalado iyo talaabooyin laysku dul dhisayo. Mar walba, waxaa muhiim ah in hawshu u socoto jihada saxda ah.

Xarakadu waxay dhaleecayn dusha uga tuuraysaa joogitaanka ciidamadda Itoobiyaanka ee gudaha dalka, waxayna ugu baaqaysaa inay si degdeg ah u baxaan, si taasi loo helana waa in meesha laga saaro wax kasta oo marmarsiiyo u noqon kara joogitaankooda.

Xarakada waxay latahay in xilligan la joogo loo baahan yahay in ciidanka Afrika lagu xoojiyo ciidamo ka socda Qaramada Midoobay ayna aad uga dhex muuqdaan ciidamo Carbeed iyo kuwo ka socda dalalka Muslimiinta ah, si meesha looga saaro marmarsiimada joogitaanka ciidamada Itoobiya.

Ugu danbayn xarakada Islaax waxay ula falgelaysaa xaaladda siyaasadeed si ku dheehan xigmad iyo kafiirsasho, iyadoo ka duulaysa mabaadi`deeda Islaamiga iyo wadaniga. Waxay ka digtoon tahay inay fuusho marba mawjadda kacda. Islaax waxay mudnaan joogto ah siinaysaa barnaamijyada dhismaha iyo horumarinta bulshada dhan kastaba ha noqotee. Dadaalkeedu wuxuu mar kastaba ku wajahan yahay dhismaha iyo horumarka, wuxuuna ka fog yahay burburka iyo cadaawada.

Horudhac

Markii ay dhacday dawladdii dhexe ee Soomaaliya Janaayo 1991, dalku wuxuu galay marxalad adag oo ku astaysan fitno wayn oo ah fawdo, dagaal sokeeye iyo qaanuun la`aan baahsan. Waxay ahayd lamahuraan in xarakadu ku dhex shaqayso marxaladaas qallafsan.

Shirkii ugu horreeyey ee xarakadu yeelato dhicistii dawladda ka dib xarakadu waxay degsatay istraatiijiyo cad oo ah siday ula falgeli lahayd marxaladan murugsan. Istiraatiijiyadaas ay degsatay waxaa ugu cadcadaa tadwiirinta qaabdhismeedka guud ee xarakada, iyo in ladiido adeegsiga xoogga iyo gacankahadalka Soomaalida walaalaha ah dhexdooda. Waxay bilawday dardargelinta hawlaheeda, iyadoo xoogga la saarayo adeegga bulshada iyo dibuheshiisiin qaran, mid bulsho iyo mid siyaasadeedba. Waxay xarakadu u xaydatay sidii loo dabooli lahaa, intii awoodeeda ah, kaalinta banaan ee ka dhalatay xukuumad la`aanta.

Marxaladan, hawlaha xarakada waxaa hagayay oo lafdhabar u ahaa qodobadan:

•  Ka fogaanshaha fidnada iyo isdilka u dhexeeyay dadka Soomaaliyeed ee walaalaha ah, arintan go`aan adag ayay xarakadu ka qaadatay, waxayna si cad u baahisay inaysan marnaba ka qayb gelayn dagaalada sokeeye, ayna u aragto fitno indho la` oo wax walba burburinaysa.

•  Waxay qaadatay siyaasad “dhexdhexaad ka ah” jabhadaha iyo kooxaha dagaalamayey, oo ay tahay in xarakadu iska ilaaliso inay la kala safato. Kaalinta arintan uga furani waa musaalaxo iyo dhexdhexaadin. Walaalo colaadi u dhaxayso lalama kala safto, ee waa la kala badbaadiyaa.

•  In mashruuca islaamiga laga fogeeyo dagaalka sokeeye iyo hirdanka siyaasadeed ee u dhexeeya kooxaha Soomaaliyeed.

•  In laga shaqeeyo sidii loo baahin lahaa adeega guud ee bulshada, gaar ahaan waxbarashada caafimaadka iwm.

•  In laga shaqeeyo heshiisiinta iyo musaalaxaynta xoogagga bulshada iyo kooxaha hubaysan, iyadoo la kaashanayo culumaa`udiinka, odaydhaqameedyada, aqoonyahanka, ururada bulshada rayidka ah iyo guud ahaanba waxgaradka Soomaaliyeed . Hawshan xarakadu waxay u aasaastay golaha dibuheshiisiinta Soomaaliyeed.

1- Xarakada iyo Musaalaxada Siyaasiga ah

1999 Xarakadu waxay qaadatay go`aan ah in laga shaqeeyo soocelinta dawladnimadii Soomaaliyeed iyadoo lala kaashanayo xoogagga kala duwan ee dalka ka jira. Iyadoo go`aankaas laga duulayo, ayaa xubnaha xarakadu waxay ka qaybgaleen hawlihii shirkii dibuheshiisiinta Soomaaliyeed ee wadanka Jabuuti lagu qabtay sanadkii 2000, ee uu horseedka ka ahaa Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle. Shirkan waxaa ka dhashay natiijooyin wax-ku-ool, waxaa la sameeyay cahdi kmg ah oo shareecada Islaamka ku dhisan, waxaa dib loo yagleelay hay`adihii dawladda dhexe sida: Baarlamaan, madaxweyne iyo Xukuumad kmg ah.

Si kastaba ha ahaatee dawladdii shirka Carta ka soo baxday ma hanaqaadin. Waxaa dib loo abaabulay shir dibusheshiisiineed oo lagu qabtay wadanka Kenya 2002-2004. Waxaa shirkan hagayay dawladaha IGAD, oo ay ugu firfircoonaayeen Kenya iyo Itoobiya, dhanka Soomaalida waxaa wufuudda shirka gundhig u ahaa hogaamiye-kooxeedyada iyo taageerayaashooda, waxaana la riixayay xoogaga waddaniga iyo islaamiyiinta oo ay xarakaduna ka mid tahay.

Waxaa shirkaasi ka soo baxay hayadihii qaranka, sida Madaxwaynaha, baarlamaan, iyo xukuumad. Inta badan xubnaha TFGda waxay ahaayeen jabhadihii hubaysnaa iyo taageerayaashooda, kuwaasoo aan marnaba lahayn labada tiir ee dawladwanaaga “ karti iyo hufnaan”. Iyadoo ay sidaasi jirto haddana shacbigu wuu iska aqbalay natiijada shirkaas, waayo wax kale oo dhaama lama haynin.

Hayadihii kmg ahaa ee TFGdu waxay la dhasheen khilaafaad dhexdooda ah, oo iyagu isku mashquuleen. Guud ahaan Xarakadu way dhaliishanayd xukuumadda fkmg ah, ha noqoto go`aanada iyo tallaabooyinkeeda amaba qaabkeeda shaqo.

Sanadkii 2006 bilowgiisiiba waxaa Muqdisho isaga horyimid maxkamadihii Islaamiga haa iyo urur ay hogaamiyekooxeedyadu samaysteen ee ay ugu magacdareen ‘soo celinta nabadda iyo argagixiso la dirirka”. Bartamihii 2006 waxaa gacankuhaynta Muqdisho ku guulaystay maxkamadihii Islaamiga, deedna waxay ku baaheen badiba gobolada Koonfurta Soomaaliya oo mudaba maamul la`aan ahaa. Awooddan maxkamadaha ee isa soo taraysay iyo faafidoodu ma cajab gelinin dawladda fkmg ah iyo qaar ka mid ah dawladaha deriska, siiba Itoobiya. Maxkamadaha islaamiga ah iyo dawladda fkmg ah waxaa u dhexeeyay kala shaki xoog leh, oo soo kordhayay. Inkastoo jireen dadaalo dhexdhexaadineed, hadana arintu waxay isugu biyo shubatay dagaal dhexdooda ah, iyo in Baydhabo la hareereeyo, xukuumaduna ay miciin biddo ciidamada Itoobiya.

Ciidamada Itoobiya waxay si sahlan ula wareegeen gobolada koonfureed ee Soomaaliya, waa meelihii ay maxaakimtu horey u haysteen. Xukuumaddiina waxay u soo guurtay Muqdisho, waxayna isku dayday inay awoodeeda ku fidiso gobolada koonfureed…

4- Aragtida Ururka Islaax ee ku aadan sida looga bixi karo dhibka jira

Jawiga guud ee hadda jiraa Xarakadu waxay u aragtaa inuu yahay; Dawlad Soomaaliyeed oo taag daran, oo u habarwacatay shisheeye ay Itoobiya ugu horayso, iyo kooxo mucaarad hubaysan ah, oo kala ujeedo iyo afkaarba ah, barnaamij midaysanna aan wadan.

Xaaladani waa qayb ka mid ah dagaaladii sokeeye ee dalkan ragaadiyey, iyo legdankii fooshaxumaa ee ku salaysnaa awoodroorsiga, iyadoo laysu adeegsanayo awoodo shisheeye, cidba cidda ay heli karto. Waa xaalad ay ku lugleeyihiin awoodo shisheeye iyagoo fushanaya danahooda gaarka ah ee ay soomaaliya iyo gobolka Geeska Afrika ka leeyihiin. Waa xaalad ay saamayn toos ah ku leedahay colaadda kulul ee Itoobiya iyo Eretereeya u dhaxaysa.

Hadaba, xaaladan awoodaha shisheeye danahooda ka oofsanayaan, waxaa Soomaalida looga baahan yahay inay dantooda ka raacdaan, kana wada shaqeeyaan sidii khilaafkooda gudaha ah ay u xalisan lahaayeen.

Xarakada Islaax waxay u aragtaa in xaaladdan murugsan looga bixi karo:

1- In lawada hadlo

Miiska wadahadalka oo laysugu yimaado lana heshiiyo waa dariiqa kali ah ee lagu gaari karo dibuheshiisiin qaran. In Soomaalidu dhexdeeda xoog isu adeegsato wuxuu wadanka u horseeday guuldarro iyo burbur wayn, welina waa lagu kala adkaan la`yahay, waana fidno muslimiin u dhaxaysa iyo dhiig sokeeye oo isku daadanaya, waxaa keliya ee ka faa`iid aysanaya ama ku farxayaa waa cadawga umadda Soomaaliyeed. Islaax waxay ku baaqaysaa in la aado xagga wadahadal iyo dibuheshiin. Waayo dibuheshiisiintu waa meesha ugu danbaysa ee cid kasta oo dagaalantaa ay hawsheeda ku soo gebagebaynayso. Islaax waxay aragtaa in la baajiyo waqti iyo xoog badan, hawshana laga bilaabo dibuheshiisiinta, halka markii la soo daalo dibuheshiisiinta loo soo noqon lahaa.

Dibuheshiisiintu waa waajib diini ah oo Soomaalida laga wada rabo. Cid kasta oo is haysa wuxuu Ilaahay –SW- faray inay heshiiyaan


قال تعالى: ) فاتقّوا الله وأصلحوا ذات بينكم ، وأطيعوا الله ورسوله إن كنتم مؤمنين (( الأنفال : 1

((Alle ka cabsada, wanaajiyana xaalka dhexdiina ah, Alle iyo Rasuulkiisana adeeca haddaad kuwo rumeeeyay tihiin)) Al- Anfaal: 1. Dhinacyada is haya maahane, bulshada inteeda kale wuxuu Ilaahay –SW- faray inay ka shaqeeyaan siday dibuheshiin u dhex dhigi lahaayeen:

قال تعالى : )) إنّما المؤمنون إخوة ، فأصلحوا بين أخويكم ، واتّقوا الله لعلّكم ترحمون (( الحجرات : 10

((Mu`miniintu waa walaalo, ee wanaajiya walaalihiin dhexdooda, Allena ka cabsada, waxaad u dhowdihiin inuu idiin naxariisto e )) Al- Xujuraat : 10

2- Inaan marnaba laysu adeegsan dawlado shisheeye

Xarakadu waxay aad uga soo horjeedaa in koox Soomaali ahi ay koox kale oo isla Soomaali ah quwad shisheeye u adeegsato, sidaasi ayuuna ahaa mowqifka xarakada illaa iyo xilligii ay soo ifbaxeen jabhadihii hubaysnaa ee Maxamed Siyaad ka soo horjeedey oo miciin bidayey quwado shisheeye laga soo bilaabo sanadihii sideetamaadkii. Haddaba Xarakadu waxay mar kale ku celinaysaa in laga fogaado isu adeegsiga quwado shisheeye, waayo wax laga faa`iidayo ma jiro oo aan ahayn in dhiig horlihi daato. Quwadahaasina waxay u adeegayaan danahooda ee uma shaqaynayaan dan Soomaaliyeed.

3- Ciidamada Itoobiya inay wadanka ka baxaan kuwo caalami ahna lagu bedelo

Xarakadu waxay dhaleecaynaysaa joogitaanka ciidamada Itoobiya, waxayna ku baaqaysaa in ay dalka isaga baxaan. Waxay aragtaa in lagu bedelo ciidamo nabadilaalineed caalami ah, oo ka kala yimaada Dunida Islaamka, Afrika iyoCarabtaba.

4- In lasoo celiyo isdhexgalkii bulshada

Si maslaxo guud oo dhamaystiran loo helo waxaa lama huraan ah in walaalaha kala irdhoobay laysku soo celiyo, si nabadgelyo ahna loo wada noolaado, haddaba si taasi loo helo xarakadu waxay latahay:-

•  In laga gudbo is nacaybka dhinacyada is haya ka dhexeeya nooc kasta oo uu yahay, si deg-deg ahna loo qaboojiyo dabka baxaya.

•  In si degdeg ah laysugu celiyo hantida muuqata ee lakala haysto, si ay taasi wadada ugu xaarto dibuheshiisiin dhab ah.

•  In la abuuro jawi ay dadka qaxay guryahooda ugu soo noqon karaan, naftooda iyo maalkoodana la badbaadiyo.

•  In la baabi`iyo sabab kasta oo keeni karta in dagaal cusub oo dhiig ku daato uu mar kale dhaco.

•  In la ilaaliyo xaqa uu qofka bani`aadamiga ahi leeyahay, cadaaladana la horkeeno kuwii gabood falka sameeyey intii dagaalka sokeeye socday.

5) Doorka Bulshada Caalamka uga aadan Arrimaha Soomaaliya

Xarakadu waxay dhaleecayn dusha uga tuuraysaa iska indho tirka beesha caalamka ee qadiyada murugsan ee Soomaaliya, iyadoo arrimo meelo kale oo caalamka ah ka jira, tan Soomaaliyana ka xajmi yar ka hormariya waxna ka qabta, intaasi waxaa dheer in dawlado ka mid ah beesha caalamka iyo kuwa gobolkuba ay shaqo ka dhigteen inay docfaruur ku sameeyaan dadaal kasta oo loo galo musaalaxo iyo dibuheshiisiin qaran, ururo hor lehna abuura.

Xarakadu waxay la tahay inay muhiim tahay in laysku biiriyo dhammaan dadaalada gudaha iyo dibaddaba ka socda ee loogu jiro xasilinta Soomaaliya, beesha caalamkana waxay ugu baaqaysaa inay arrinta Soomaaliya ku yeelato kaalin wanaagsan oo wax dhisaysa sida:-

•  Soomaalida inay ku garab galaan siddii amniga iyo kala dambaynta ay u soo ceshan lahaayeen.

•  Inay garab istaagaan dadaalada lagu heshiisiinayo qaybaha iska soo horjeeda.

•  Inay gargaar bani`aadanimo u fidiyaan malaayiinta dagaalada ku barakacay iyo kuwa ay waxyeeleeyeen masiibooyinka dabiiciga ah.

•  In la qabto shir caalami ah oo looga wada hadlayo dibudhiska Soomaaliya iyo siddii horumar lataaban karo loo gaarsiin lahaa.

•  In loo hawl galo siddii ciidamada Itoobiya wadanka looga saari lahaa, laguna bedeli lahaa ciidamo Afrikaan, Carab iyo Islaamba isugu jira si ay gacan uga gaystaan xal u helidda khilaafaadka jira, kalsoonid abuurid iyo inay dhistaan nooca dawladda ay iyagu rabaan.

Gebagebo

Xarakada Islaax waa urur Islaami ah doonayana in si nabad ah wax lagu bedelo, lehna manhaj, siyaasaad iyo istiraatiijiyo cad oo ka duulaya mabaadi`deeda Islaamiga iyo wadaniga ah iyo qanaacadeeda mabda`iga ah ee sugan taasoo ka dhowrtay xarakada inaysan dib u dhicin ama aysan dusha ka fuulin mowjaado is herdinaya sida ku dhacday urururo badan oo ku sinbiriraxday waxaysan hory ugu talo gelin. Habkan ku dhisan wax hubsashada ayay xarakadu u dooratay inay kula falgasho dhibkan joogtada noqday ee jira, waxayna Xarakadu fekerkaas ka soo qaadatay fahamka Islaaka ee ku dhisan dhexdhexaadnimada iyo kulminta ee ay Soomaalida iyo culimadeeduba ay caanka ku ahaan jireen, dariiqaas oo ay horey u qaaday Xarakada Ikhwaanu Muslimiinka ee Casrigan jirta iyo asaasaheedii Xasan Al-Banaa, waxaana hadaladiisii ka mid ah isagoo la hadlaya qaar ducaadda Ikhwaanka ka mid ah: “Haka hor imaanina sunanta Koonka, waayo iyadaa guulaysata”. Xaaladan adag ee la marayo xarakadu waxay ku guulaysatay inay ku dhegenaato joogtaysana u adeegida shacabkeeda dhibaataysan, iyo inay ka qayb qaadato intii karaankeeda ah dhismaha umadeeda.

Xarakadu waxay u aragtaa in walaalaha Soomaalida ahi ay wadaagaan Diin, Dhul iyo mashruuca dawladnimada Soomaaliya. Sidaasi daraadeed, dadka Soomaaliyeed oo dhan waxay leeyihiin xuquuq iyo waajibaad siman, cid si gooni ah ula kali noqon karta aayo ka talinta wadanku ma jirto, cid xaq u lehna ma jirto inay xoog ku raadiso xalka Soomaaliya iyadoo adeegsanaysa quwado shisheeye, waa in loo wada guntado sidii nabad waarta loo heli lahaa, lagana wada qayb galo hirgelinta mashruuca dawladnimada Soomaaliyeed iyadoo la adeegsanayo dariiqa wada xaajoodka iyo musaalaxada, cid la riixaana aysan jirin si kastaba ha ahaado fikirkeeduye.

Sidoo kale Xarakadu waxay mar kale ku celinaysaa baaqeedii ahaa in dawladaha gobolka iyo kuwa caalamkuba aysan ka qayb gelin sii hurinta dabka wadanka gudihiisa ka baxaya, waana inaysan gacankahadal kale uga jawaabin si wadanka nabad iyo deganaan loogu soo dabaalo.

Ilaah baa mahad leh


MAQAL & MUUQAAL
Islaax © 2006-2010