AMAL NABADEED KAMUUSAN DHAMAAN BULSHADA SOOMALIYEED
8/10/2008
Waxaa laga dareemayaa deegaanka ku dhaw km4 deganaan, Waxaana la arkayay ardaydii iskuulaadka oo si Raxan Raxan ah ugu sii soconaya iskuuladoodii, kadib markii ay mudooyinkaan danbe cabsi badani kajirtay sidii wax barashadu uga sii soconkartaa agagaarka km4 iyo Guud ahaan Magalada oo mudooyinkii danbe Noqotay meel ay isku hardiyaan Xoogaga mucaaradka Hubaysan iyo Ciidamada Dowlada FG iyo kuwa (Amisom) ee saldhiga ku leh Km4.
Wiliba meelaha qaar waxaa ka muuqda Raadkii dagaalada oo aan wili ka baa bi`in oo ku dareen siinaya in dagaalo xoogbadani ka dhaceen halkaasi, lakiin umadu weydaashay oo maba garanayso meel ay u dhaqaajisaa.
Agagaarka Km4 waxaa ku yaalay Goobo wax barasho iyo Xafiisyo Awalba qaar kamidihi ku yimaadeen qax.
Hadaba waxaa yidiil ku abuuray Goobaha Waxbarasho ee aagaasi ka dhaw kadib marii ay maalmihii la soo dhaafay ku yaraadeen isku dhacyadii ka dhici jiray aagaas.
Wiliba Goobaha waxbarashada qaarkoo oo qorshaynayay meeshii ay u qixi la hayeen ayaa waxaa ay joojiyeen qorshohoodaas qaxa ah.
Waxaan Allaah ka rajaynaynaa in uu umadda Soomaliyeed weydaashaye uu nabad u soo dedejiyo Kana saaro dhibaatada Daba dheeraatay eek u Habsatay umadaan.
Wabilaahi towfiiq